Gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin ayaa maanta kula la qaatay kaaliyaha arrimaha barakacayaasha iyo xalalka waara ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Robert Piper, labada mas’uul ayaa si qota dheer uga wadahadlay xaaladaha barakacayaasha iyo sida xal waara loogu heli karo.
Robert Piper ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay si dhaw ula socoto xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, isagoo sheegay in ay garab tagan yihiin mar walba shacabka Soomaaliyeed.
Uvu dambeyn, Gudoomiye Maxamud Macallin ayaa kaaliyaha gaarka ee ka socdo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga mahadceliyay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.














