Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Aadan ayaa xilalkii u kala wareejiyay Agaasinka Caafimaadka iyo Waxbarashada Gobolka Banaadir oo uu dhawaan isbeddel ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Ugu horreyn, Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir ayaa waxaa xilka ku kala wareegay Agaasimihii hore ee waaxda caafimaadka Mudane Maxamed Maxamuud Caddow iyo Agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay Agaasinka Caafimaadka Mudane Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud.
Sidoo kale, munaasabad ka dhacday xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa waxaa xilalka isku wareejiyay Agaasimahii Guud ee Agaasinka Waxbarashada Mudane Maxamed Yuusuf Nuur iyo Agaasimaha Guud ee cusub ee loo soo magacaabay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Mudane Abdifatah Ahmed Barre.
Ugu dambeyn Munaasabadda xil wareejinta labada Agaasin ee Waxbarashada iyo Caafimaadka waxaa goob-joog ka ahaa, Agaasimaha shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo dhammaan shaqaalaha labada Agaasin.














