Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka qaybgalay shirka la-tashiga hay’adaha dastuurka ee heer dowlad-goboleed iyo maamullada kale ee dalka, kaasoo looga hadlayo soo jeedinta wax ka beddelka cutubta 5-aad illaa 9-aad iyo dhameystirka sastuurka KMG ee dalka.
“Rabitaanka iyo doonista siyaasadeed ee bulshada gobolka Banaadir ee la xiriirta MAQAAMKA IYO MATLAADDA waa in magaalada Muqdisho ay noqoto maamul dowlad-goboleed buuxa ah, sidoo kalena ay ugu yaraan aqalka sare ku yeelato kuraas matalaadeed oo dhan 21 senator,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Casimadda, Mudane Maxamed Amiir ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda uu dhameystirka dastuurka u leeyahay Qaran dhiska dalka iyo dowladnimada, waxa uu ka codsaday hay’adaha dowladda ee u xil-saaran dastuurka inay tixgeliyaan doonista iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Kulankan ayaa lagu soo bandhigi doonaa warbixinta qabyo qoraalka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee la filayo in la horgeeyo labada Aqal ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya si loo dhameystiro dastuurka dalka.














