Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku ridday Askari dil geystay oo South Sudan laga soo Qabtay: Sawirro

0
414

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay gacan ku dhiigle laga soo qabtay magaalada Juba ee xarunta South Sudan, waxaana eedeysanaha la xukumay oo lagu magacaabo Sakariye Cali Axmed Cosobow ayaa lagu helay inuu dilay askari ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Gacan ku dhiiglaha la xukumay ayaa waxaa uu degmada Dayniile ku dilay Cali Xasan Siyaad oo ka tirsanaa ciidamada booliiska Soomaaliya oo ay ciidamada kawada tirsanaayeen, waxaana dilka uu yimid kaddib markii uu muran soo dhexgalay, isagoo dilka kaddib u baxasday dalka South Sudan, halkaas oo booliiska Soomaaliya oo kaashanaya booliiska calaamiga ah kasoo qabteen.

“Sakariye waxa uu 28-kii July 2022-kii ku dilay degmada Dayniile marxuum Cali Xasan Siyaad oo ay kawada tirsanaayeen ciidanka booliiska Soomaaliyeed, waxaana lagu xukumay dil toogasho, kaddib markii lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay,” ayuu garsooraha xukunka riday.

Dabiilaha la xukumay ayaa waxaa la sheegay inuu dilka u adeegsaday qori, waxaana ciidamada booliiska Soomaaliya ay ku guuleysteen inay gacan ku dhiiglaha kasoo dajiyaan Muqdisho bihsii May ee sannadkan, waxaana afhayeenka booliiska uu sheegay in ujeeddadu ay tahay in qof kasta oo fal dambiyeed geysta laga soo qabanayo meel walba oo uu tago.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamadu ay xukun noocan oo kale ah ku riddo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dilal u geystay askar kale iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana qaarkood lagu fuliyay xukunnadii dilka ahaa ee lagu xukumay..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here