Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay kulan looga hadlaay amaanka dalka

0
409

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlaayey adkeynta Amniga oo ka dhacay Villa Soomaaliya.

Kulanka oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa goobjoog Ka ahaa taliyaasha Ciidmada qalabka sida iyo Maxkamadda ciidmada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne, isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Ciidamadu ay kordhiyaan howl-galladooda iyo feejignaantooda, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho ayna nagu soo wajahantahay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo sanadihii la soo dhaafay ay ku guuleysatay Dowladdu ka hortagga iyo yareynta dhagartii argagixisadu ay soo maleegi jireen Bishan.

“Waxaan dagaal kula jirnaa cadow arxan laawe ah oo khatar ku ah amnigeenna iyo jiritaankeenna. Argagixisada Al Shabaab ee aan la dirireyno waxa ay ka shaqeynayaan gumaadka iyo xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ka heli karaan fursaddaas, sidaas awgeed waa in aan markasta heegan buuxa ku jirnaa, si dhowna ula shaqaysaan Shacabkeenna idinla garab taagan hiilka iyo xogta dhagar-qabeyaasha”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, in loo dhimriyo Shacabka Soomaaliyeed xilliyada ay ciidammadu samaynayaan hawlgallada lagu sugayo amniga, sidoo kalena, la xoojiyo wadashaqeynta iyo is-dhexgalka Hay’adaha Ammaanka iyo Bulshada, si kor loogu qaado wadashaqaynta iyo kalsoonida shacabku ay ku qabo ciidammadooda geesiyaasha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here