Guddoomiye Madaale oo Mooto Bajaaj cusub ku wareejiyay Muwaadin ka mid ah dadka Baahiyaha gaarka ah qaba: SAWIRRO

0
377

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa moota Bajaaj cusub ku wareejiyay, Abshir Maxamuud Cumar oo ah wiil yar oo agoon ah, kana mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba.

Duqa Muqdisho ayaa mootadan uu siiyay Abshir si ay ugu noqoto mid noloshiisa iyo tan qoyskiisa wax ka badasha, ayna kasoo saartaan nolol maalmeedkooda.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo inta wax heysata in ay garab-qabtaan dadka danta yar, si ay ugu kaaftoomaan ku tiirsanaanta gacmo kale, ayna u noqdaan dad iyagu isku filan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here