Waxaa Muqdisho ka furmay maanta shir ay isugu yimaadeen wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkan oo laba maalin socon doona ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha xeerka mideynta cashuuraha, dib-u-habeynta maaliyadda iyo dhameystirka sharuudaha deyn cafinta oo dhawaan la filayo in lasoo gaba-gabeeyo.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somalia Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si rasmi ah u furay shirka, wasiirka oo hadal kooban jeediyay ayaa xusay in shirkan uu muhiim u yahay arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta maaliyadda, mideynta hannaanka canshuuraha iyo dhameystirka sharuudaha barnaamijka deyn cafinta.
Sidoo kale, Shirka ayaa looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee saaxiibadda caalamka ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo deeqaha maaliyadeed.
Ugu dambeyn, Shirkan waxa ka maqan oo aan ka qayb-galeyn wasiirka maaliyadda maamulka Puntland, inkasta oo si rasmi ah loogu casuumay shirkan.

















