Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee Isgoyska Towfiiq illaa miisaanka dhuxusha ee degmada Yaaqshiid.
Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka G/Banaadir, guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, odayaasha dhaqanka, haweenka, ardayda iyo qaybaha bulshada degmada Yaaqshiid.




















































