SAWIRRO: Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo Magaalada Dooxa ku kala Saxiixday Heshiis Muhiim u ah Labada Waddan

0
262

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ee dalka Qatar iyo wasiirka cadaaladda Qatar, ahna wasiir-u-dawlaha arrimaha golaha wasiirada Qatar, mudane Ibraahim Bin Cali Almuhannadi ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arrimaha sharciga.

Heshiiskan, waxa uu ka turjumayaa danaha labada waddan ee isweydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Sidoo kale, waxay labada dowladood iska kaashanayaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka ee labada dawladood, barnaamijyada tababarrada sharci iyo garsoor, kor-u-qaadidda xirfadda iyo aqoonta sharci-yaqaannada, qareennada iyo nootaayooyinka.

Ugu dambeyn, Munaasabadda saxiixa is-afgaradka oo ka xarunta wasaaradda cadaaladda ee Qatar ayay labada wasiir kulan gaar ah oo ay ku qaateen uga wada-hadleen xiriirka labada waddan, iskaashiga cadaaladda ee labada dal, dhameystirka dastuurka Somalia, dhismaha cadaaladda dalka iyo in labada wasaaradood iska kaashadaan khibrad wadaagga iyo dhanka sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here