Maamulka G/Banaadir oo soo bandhigay waxqabadka adeega caafimaad ee Caasimadda

0
196

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka sanad guurada 1-aad ee Ka soo wareegtey daadajinta Adeegyada Caafimaadka ee uu hadda maamulo Gobolka Banaadir.

Munaasabdan oo ay ka qeyb galeen madax kala duwan oo Ka socotey 2-da gole iyo saraakiil sarsare oo Ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu bogaadiyay faa’idooyinkii laga dhaxlay tan iyo markii uu maamulka gobolka Banaadir la soo wareegay maamulida adeegyada Caafimaadka Caasimadda.

Agaasimaha Caafimaadka gobolka Banaadir Maxamed Maxamud Cadow ayaa ka hadlay marxaladihii laga soo maray daadajinta adeegyada Caafimaadka, isagoo xusay in ay wax badan ka qabteen u khidmeynta shacabka Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo munaasabadda Ka hadlay, waxa uu tilmaamay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii adeegyo wax tar leh ay bulshada u heli lahaayeen, isagoo bogaadiyey Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir oo mudo hal sano ah maamulayey caafimaadka caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here