Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan duco iyo Qur’aan akhris ah ugu sameeyay shuhadadii toddobaadkii hore ay kooxaha Khawaarijta ku xasuuqeeen xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.
Boqollaal ka tirsan Howl-wadeennada G/Banaadir iyo bulshada Caasimadda ayaa salaadda Jimco ku tukaday barxadda Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana khudbada salaadda Jimco lagu soo qaatay sida ay diinteenna suubban u xaaran-tinimeysay in naf bini’aadam ah la gooyo iyo in falalka guracan ay kooxaha Khawaarijta marnaba aysan ka turjumeyn Diinta Islaamka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa salaadda kadib mar kale si kulul ugu hadlay falalka gurracan oo ay kooxaha Khawaarijta ku beegsato shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxa uuna halkaas ugu duceeyay dalka, dadka, shuhaddada inta dhaawaca ah iyo guud ahaan muslimiinta dunida.













































