Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday Heshiis Caalami ah: SAWIRRO

0
615

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa kala saxiiday heshiis ku kacaya 19 Milyan oo dollar, si wax looga  qabto dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.

Wadahadalka heshiiskan oo socday muddo laba sano ah ayaa Khamiistii waxaa Muqdisho ku kala saxiixday hay’adda GARGAARA oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo taageerta ganacsiga iyo Bankigyada iyo Bankiga horumarinta Jarmalka ee KFW.

Maal-gelinta ayaa xoogga saari doonta ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, sida: Kalluumeysiga, Beeraha, Xoolaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Tamarta, Dalxiiska iyo Horumarinta dhallinyarada.Munaasabadda saxiixa ayaa waxaa ka ahaa goobjoog agaasimyaasha guud ee wasaaradaha qaarkood, madaxda sare ee hay’adda heshiiska wax ka saxiixday, madaxda bankiyada Soomaaliyeed iyo madaxda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee safaaradda Jarmalka ay ku leedahay Somalia oo ay wehliyaan saraakiisha mashruucan.

Guddoomaiyaha Hay’adda GARGAARA, Suleymaan Cabdi Ducaale ayaa kaga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jarmalka taageerada ay la garab-taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed, waxuuna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay u leedahay taagaeradan Soomaaliya.

Madaxa horumarinta iyo iskaashiga safaaradda Jarmalka, Allena Kern ayaa iyaduna sheegtay inay ku kalsoon tahay taageerada hay’adda GARGAARA ay siiso ganacsiyada gaarka ah, waxayna u ballan-qaadday taageera buuxda.

Ugu dambeyn, Dalka Jarmalka waxa uu ka mid  yahay dalalka sida wayn u taageera dowladda Soomaaliya, isagoo ka caawiya dhinacyada, gargaarka, horumarinta, farsamada ganacta, caafimaadka, waxbarashada iyo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here