Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba gacan-ku-dhiihle oo ay horay xukunno dil ah ugu xukuntay.
Labadan ruux ayaa waxay ka tirsanaayeen ciidanka booliiska Soomaaliyeed, waxayna dilal u geysteen laba ruux oo rag ah, kuwaasoo midkood uu ahaa askari booliis ah.
Cabdishakuur Axmed Maxamuud waxa uu hore u dilay Xasan Maxamed Shire oo ay ciidanka booliiska kawada tirsanaayeen, waxaana dilkooda keenay muran dhex-maray.
Sidoo kale, Cabdijamaal Cabdullaahi Xayle oo isna ciidanka booliiska ka tirsanaa ayaa waxa uu dilay Cabdixakiim Maxamuud Khaliif oo ahaa qof shacab ah oo uu dhacayay.
Ugu dambeyn, dhawaan ayay ahayd markii maxkamadda ciidamadu ay sidan oo kale dial ugu fulisay laba askari oo dilal u geystay laba qof oo shacab ah oo midkood uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaannay degmada Xamarweyne.














