Soomaaliya ayaa waxay ka mid noqotay ururka Xeer-ilaaliyeyaasha Bariga Afrika, waxaana looga dhawaaqay gunaanadkii shir sanadeedkii 10-aad ee ururka Xeer-ilaaliyeyaasha oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socoday magaalada Kampala ee dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa 23-kii Feberaayo ee sanadkan codsatay inay ku biirto ururka xeer-ilaaliyeyaasha Bariga Afrika, kaasoo muhiim ah Soomaaliya.
Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ah xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka kana qaybgalay shirka 10-aad ee ururka Xeer ilaaliyeyaasha Bariga Afrika oo gunaanadkii shirka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabadsn ay tahay mid sahlaysa in si buuxda dalalka gobolku u wada-shaqeeyaan.
“Waxaa farxad weyn ii ah codsigii Soomaaliya ee xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka horay ugu soo gudbiyay ururka la aqbalay, Soomaaliyana loo aqoonsaday in xubin buuxda ay ka noqoto Xeer-Ilaaliyeyaasha Bariga Afrika,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.
Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Xubinnimada ururka faa’iidada ay Dowladda Soomaaliya u leedahay waxaa ka mid ah xog-isdhaafsiga la xiriira dadka dambiilayaasha ah ee Bariga Afrika, tababarrada xeer ilaaliyaasha iyo la dagaalanka dadka dambiyada geysta”.
Ugu dambeyn, Urur-goboleedka Xeer-ilaaliyeyaasha Bariga Afrika oo horay ugu mideyaanayeen 11 dal ayaa hadda waxaa ku biiray seddax dal oo Soomaaliya ay ka.mid tahay, waxaana tirada dalalka ku midoobay ay noqonayaan 14-dal.














