New York, 13 Maarso 2024 – Koboc horumar oo aan loo sinneyn ayaa dib u dhigey dalalka ugu saboolsan, taas oo uga sii dartey sinnaan la’aantii jirtey, oo sii dhiirrigelisay kala-tag siyaasadeed oo heer caalami ah. Natiijada ka dhalatey ayaa ah fadhiidimo halis ah oo ay waajib tahay in si degdeg ah loo xalliyo iyada oo loo marayo tallaabo wadajir loo qaado, waa sida ay tilmaameyso warbixin cusub oo ay soo saarey maanta Barnaamijka Qaramada Midoobey ee Horumarinta (UNDP).
Warbixintan Horumarinta Aadanaha ee 2023/24 Human Development Report (HDR), oo loogu wanqaley “Breaking the Gridlock: Reimagining cooperation in a polarized world ama Kala-goynta Fadhiidnimada: Dib-u-sawirashada maskaxeed ee iskaashi ee duni lagu kala tegey “, ayaa muujiyey in lagu socdo waddo welwel leh: hoos-u-dhaca Cabbirka Heerka Horumarka Aadanaha ee caalamiga ah ee global Human Development Index (HDI) – kaas oo ah cabbir kooban oo muujinaya Dakhliga Guud ee Qaranka ee ku soo aadaya shakhsi kasta ee dal ee loo yaqaanno Per capita Gross National Income (GNI), waxbarashada, iyo cumriga qofku uu gaarayo – ayaa ahaa mid qaybsan, aan dhammeystirneyn, oo aan loo sinneyn.
Cabbirka HDI ayaa la qiyaasayaa in uu sanadka 2023 gaaro heer sare oo uusan hore u gaarin ka dib markii si weyn uu hoos u dhacay sanadihii 2020 iyo 2021. Laakiin kobocan ayaa ah mid aad loo kala badsadey. Dalalka hodonka ah ayaa heerka ay ka gaareen horumarka aadanuhu uu yahay mid aad u sarreeya halka kalabar dalalka saboolka ah ee dunida ay weli heerarkooda kobocu ay weli ka hooseeyaan sidii ay ahaayeen dhibaatooyinka ka hor.
Sinnaan la’aanta dunida ka jirta ayaa waxaa weheliya in si mug weyn uu dhaqaaluhu ugu urursan yahay dalal gaar ah. Sida lagu xusey warbixinta, ku dhowaad 40 boqolkiiba ganacsiga adduunka ee badeecooyinka waxaa uu ku urursan yahay dalal saddex ama ka yar ah; waxaana sanadkii 2021 qiimaha saamiyada mid kasta oo ka mid ah saddexda sharikadood ee tiknolojiyada ee ugu weyn dunida uu dhaafey Wadarta Wax-soosaarka Guud ee Qaran (GDP) ee in ka badan 90 boqolkiiba dalalka ee sanadkaas.
“Farqiqa sii ballaaranaya ee horumarka aadanaha ee ay bannaanka soo dhigtey warbixinta ayaa muujinaya in sinnaan la’aanta u dhaxaysa dalalka hodonka ah iyo kuwa saboolka ah ee si joogto ah u soo yaraaneysey labaatanka sanadood ay hadda dhinaca kale isu rogtey. Inkasta oo bulshooyinkeenna caalamku ay si gundheer isugu xiran yihiin, haddana waan gaari la’nahay halkii la rabey. Waa in aan ka faa’iideysanaa isku-xirnaanteenna iyo sidoo kale awoodda aan u leenahay in aan wax ka qabanno culeysyada aan wadaagno oo jiritaankeenna halista ku ah iyo in aan hubinno in la gaaro waxyaabaha ay dadku ku taamayaan,” ayaa uu yiri Achim Steiner, oo ah madaxa Barnaamijka QM ee Horumarinta. “Fadhiidnimada ayaa dhibaato mug leh ku ah aadanaha. Ku-guuleysasho la’aanta in la qaado tallaabo wadajir ah oo wax looga qabanayo is-beddelka cimilada, adeegsashada kombutarrada iyo internet-ka (digitalization) ama saboolnimada iyo sinnaan la’aantu keliya wax uma dhimeyso horumarka aadanaha ee laakiin waxaa ay sidoo kale sii xumeynaysaa kala-qaybsanaanta waxaana ayna sii baabi’iseysaa ku-kalsoonaanta dadka iyo hay’adaha ee guud ahaan dunida.”
Warbixinta ayaa ku doodeysa ku-dhaqaaqidda tallaabo wadajir ah oo caalami ahaan loo qaado ay caqabad ku noqotey is-burinta dimuqraadiyadda ama ‘democracy paradox’ ee soo-ifbaxaysa: inkasta oo 9 ka mid ah 10kii qof guud ahaan dunida ay ayidayaan dimuqraadiyadda, haddana inta badan dadka lagu wareystey sahan caalami ah ayaa taageero u muujiyey hoggaamiyeyaal lug-goyn kara dimuqraadiyadda iyaga oo dhinac-maraya xeerarka aasaasiga ah ee geeddi-socodka dimuqraadiga ah, sida ay muujineyso xogta la lafagurey ee ku jirta warbixinta. Kalabar dadka la sahamiyey ee guud ahaan dunida ayaa sheegey in si yar ay ugu lug leeyihiin go’aamada noloshooda taabanaya ama aaney wax lug ah ku lahayd, waxaana in ka badan saddex-meelood laba ay aaminsan yihiin in ay saameyn yar ku leeyihiin go’aamada dowladdooda.
Ku-kala-qaybsanaanta siyaasadeed ayaa sidoo kale ah welwel sii badanaya oo raad ku leh guud ahaan dunida. Marka laga soo in la dareemayo awood la’aan, ayaa qorayaasha warbixintu waxaa ay sheegeen, in ay xoojineyso habab siyaasadeed oo gudaha dalka un u janjeera – taas oo si cad ay isaga soo horjeedaan iskaashiga caalamiga ah ee loo baahan yahay si wax looga qabto arrimaha degdegga ah sida in la yareeyo ama meesha laga saaro ku-tiirsanaanta uu dhaqaalaheennu ku tiirsan yahay ilaha tamarta kaarboon laba-ogsaydka hawada ku sii daaya, si xun u adeegsashada tiknolojiyada, iyo colaadaha. Tani ayaa si gaar ah welwel u leh marka la eego heerkulka 2023 oo gaarey meel uusan hore u gaarin, taas oo carrabka ku adkeyneysa baahida deg-degga ah ee loo qabo in la qaado tallaabo wadajir ah oo lagu xallinayo dhibaatada cimilada, ama soo ifbaxa garaadka gacan-ku-sameega ah (artificial intelligence) oo ah tiknonolojiyad cusub oo deg-deg u kobcaysa oo xeer-nidaamin yar leh ama aan lahayn wax xeer-nidaamin ah oo lagu ilaaliyo.
Warbixinta ayaa muujineysa in dib-uga-gurashada caalamiyeyntu aaney suuragal ama caqligal ku ahayd dunida maanta iyo in isku-tiirsanaanta dhaqaaluhu ay weli tahay mid sarreysa. Waxaa ay warbixintu farta ku fiiqeysaa in aanu jirin gobol ku dhow in uu gooni isugu filnaado, maaddaama dhammaan gobolladu ay ku tiirsan yihiin waxyaabaha ay ka soo waaridaan gobollo kale oo ah 25 boqolkiiba ama ka badan ugu yaraan hal nooc oo badeeco ama adeegyo waaweyn ah.
“Duni ku tilmaaman kala-qaybsanaan iyo kala-qaybin, ayaa dayacidda in dhinacba uu dhinac kale maalgeliyo waxaa ay halis ba’an ku tahay wanaaggeenna iyo amnigeenna. Hababka ku dhisan ilaalinta danaha dalka oo keliya wax kama qabanayaan culesyadyada kakan ee isku-dhafan ee ina haysta, oo ay ka mid yihiin ka-hortegidda cudurrada dunida ku faafa, is-beddelka cimilada, iyo nidaaminta dijitaalka,” ayaa uu ku darey Steiner. “Dhibaatooyinkeennu waa kuwo isku-dabran, kuwaas oo sidoo kale u baahan xalal isku-xiran. Iyada oo la qaadanayo ajande fursadi waddo oo xoogga saaraya faa’iidooyinka in tamar nooc kale ah oo beddel ah loo wareego iyo in garaadka dad-sameega ah loo adeegsado horumarinta aadanaha, waxaan haysannaa fursad aan kaga bixi karno fadhiidnimada hadda jirta oo aan dib u soo nooleyn karno ballanqaadkeenna ku aaddan mustaqbal inaga wada dhexeeya.”
Warbixinta ayaa carrabka ku adkeneysa sida isku-tiirsanaanta dunida dib loogu qaabeynayo waxaana ay ku baaqeysaa jiil cusub oo ah badeecooyin dadweyne oo caalami ah. Waxaa ay soo jeedineysaa afar meelood oo ay tahay in degdeg wax looga qabto:
- Badeecooyinka guud ee kowniga ah, si cimiladu ay u xasilloonaato, annaga oo wajahayna culesyo aan hore dad u soo marin oo dad-sameeyga ah (Anthropocene);
- Badeecooyin guud oo caalami ah oo dhijitaal ah, si adeegsiga tijnoljiyada cusub ay u ahaato mid si ka ballaaran sida hadda loogu siman yahay si loo xaqiijiyo horumar aadanenimo oo loo siman yahay;
- Habab maaliyadeed oo cusub oo la sii ballaariyey, oo ay ka mid tahay waddo cusub oo loo maro iskaashi caalami ah oo kaabaya gargaar bani’aadamnimo iyo midka horumarinta ee soo-jireenka ah oo la siiyo dalalka dakhligoodu hooseeyo;
- Hoos-u-dhigista kala-tagsanaanta siyaasadeed iyada oo loo marayo habab maamul oo cusub oo diiradda saaraya sii-wanaajinta codadka dadweynaha marka laga munaaqashoonayo oo lana xallinayo macluumaadka khaldan.
Marka dhinacan laga eego, iskaashiga dhinacyada kala badan ayaa door aasaasi ah qaadanaya, ayaa ay warbixintu ku dooddey, sababtuna waa wada-shaqeynta laba-geesoodka ah wax kama qaban karto bixinta badeecooyinka guud ee kowniga ah taas oo u baahan in ugu yaraan loo wada dhan yahay.
Xog kale oo dheeri ah oo ku jirta warbixinta
• Sanadkii 2023, dhammaan 38-da dal ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta / the Organization for Economic Co-operation and Development (OECD) ayaa xaqiijiyey dhibco Cabbirka Horumarka Aadanaha / Human Development Index (HDI) oo ka sarreeya heerarkii ay joogeen sanadkii 2019.
• 35-ta dal ee horumarkoodu ugu hooseeyo / least developed countries (LDCs) ee ay hoos u dhaceen dhibcaha cabbirka HDI sanadihii 2020 iyo/ama 2021, in ka badan kalabar (18 dal) weli kama soo kaban oo horumarkooda aadanaha weli ma soo gaarin heerarkii ay joogeen sanadkii 2019.
• Dhammaan gobollada soo koraya kama soo bixin heerarkii HDI ee la filayey marka lagu saleeyo sidii ay ku soo socdeen wixii ka horreeyey sanadkii 2019. Waxaa ay u muuqataa in ay hoos u dhaceen oo ay ku socdaan heer HDI oo kii hore ka hooseeya, taas oo tilmaameysa suuragalnimada dib-u-dhac joogto ah oo soo wajahay koboca horumarka aadanaha ee mustaqbalka.
• Raadka hoos-u-dhaca horumarka aadanaha waxaa uu ku sii xooggan yahay Afghanistan iyo Ukraine. Cabbirka HDI ee Afghanistan waxaa uu dib ugu noqdey halkii uu joogey toban sano ka hor, halka cabbirka HDI ee Ukraine uu hoos noqdey oo uu gaarey heerkiisii ugu hooseeyey tan iyo sanadkii 2004.
• Warbixinta ayaa xuseysa cilmi-baaris tilmaameysa in dalalka ay ka jiraan dowlado dadka iska gada uu koboca GDP-goodu uu hooseeyo. Toban iyo shan sano ka dib marka ay dowlad dadka iska gadda ay xukunka qabato, Wax-soo-saarka Guud ee Dalka ee halkii qof (GDP per capita) ayaa la ogaadey in uu 10 boqolkiiba ka hooseeyo halkii uu gaari karey haddii ay dowladdu ahaan lahayd mid aan dadka iska gadin.
Si aad u hesho warbixinta oo dhameystiran, booqo: https://hdr.undp.org/content/human-development-report-2023-24













