Guddiga hubinta iyo ansixinta golaha wakiillada maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u shaaciyey liiska xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaas. Liiska waxaa ku jira 83 xildhibaan, oo 4 kamid ah yihiin dumar halka 79 ay yihiin rag.
Xildhibaannada ayaa loogu kala qaybsaday sidaan:
Sanaag: 37 xildhibaan
Sool: 30 xildhibaan
Togdheer: 16 xildhibaan
Xildhibaannada cusub ayaa la filayaa inay kulankooda ugu horreeya kusoo doortaan hoggaan ku-meel-gaar ah, inta laga gaarayo doorashada rasmi ah ee guddoonka baarlamaanka.
Soo dhaweynta xildhibaannada ayaa durbadiiba si weyn looga dareemay baraha bulshada, halka hawlaha kale ee maamulka la filayo inay si rasmi ah u bilaabmaan maalmaha soo socda.
Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa u hambalyaysay xildhibaanadda cusub ee baarlamaanka Waqooyi bare oo dhawaan ay aqoonsatay DFS.













