Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in Ciidanka ATMIS dhammaadka sanadkaan ka buxi doonaan dalka

0
410

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Askariga ugu dabeeya ee ka tirsan ciidamada ATMIS uu ka bixi doono bisha December ee sanadka soo socda.

La taliyaha Madaxwwynaha ee Arimaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin ayaa sheegay in sida qorshuhu yahay 3,000 ee ugu dambeysa ciidanka ATMIS ay dalka isaga bixi doonaan 30-December 2024-ka, sida uu heshiiska ahaa

Sidoo kale, La taliyaha ayaa sheegay in ka-bixitaanka ATMIS kaddib dowladda ay u diyaar-garowda sidii ay ula wareegi lahayd guud ahaan amniga Soomaaliya, waxa uu tilmaamay in dowladdu ay marsiineyso meel gabogabo ah, hawlgalka ka dhanka ah khawaarijta wajigiisa 1-aad dhawaanna uu billaaban doono wajiga labaad si argagixisada deegaannada fara-ku-tirska ah ee ay ku dhuumaleysanyaan looga saari lahaa.

Ugu dambeyn, waxa u sheegay la taliyaha in ay meel fiican mareeyso arrinta cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya u sheegay in meel dhammaad ah mareyso bisha Novembar sanadkan ay dhammaan doonto, taasoo dowladda Soomaaliya u fududeyn doonto in ay saanad milatari ay doonto lasoo dagi karto, waxayna dowladdu lasoo degi doontaa hub iyo saanad ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here