Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa digniin adag u diray shirkadaha heshiiska qandaraas kula jira Dowladda Hoose ee Xamar iyo milkiilayaasha guryaha burbursan ku leh Caasimadda.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Duqa Xamar, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa lagu sheegay in shirkadaha qandaraaska kula jira Dowladda Hoose ee Xamar dib u eegis lagu sameyn doono qandaraasyadii lala galay haddii shaqooyinka loo igmaday ay si wanaagsan uga soo bixi waayaan muddo 30 casho gudahood ah.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in shirkadda la siiyay qandaraaska nadaafadda Xamar lala xisaabtami doono 30-ka May, sidii ay horay ugu ballameen Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamulka Shirkadda, si loo hubiyo sida ay u qabatay hawlihii loo xil-saaray.
Ugu dambeyn, Milkiilayaasha guryaha bur-bursan ee ku leh Muqdisho ayaa lagu war-geliyay inay guryahooda ku dayactirtaan muddo 90-maalmood gudahoof ah, balse lama sheegin in haddii xilligaas la dhaafo tallaabada la qaadan dono.













