Mas’uuliyiinta Maamulka G/Banaadir oo kormeeray Biyo-qabadyada Magaalada Muqdisho: SAWIRRO

0
159

Ku-simaha Duqa Magaalada Muqdisho ahna guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa kormeeray waraha iyo biyo-qabadyada magaalada Muqdisho, si loogu diyaar-garoobo roobabka la filayo inay da’aan.

Mudane Cabdicasiis Cismaan ayaa faray agaasimeyaasha guud ee hawlaha guud iyo nadaafadda iyo bilic-soo-celinta in sida ugu dhaqsiyaha badan looga hawl-galo waraha iyo biyo-qabadyada Muqdisho, si loo maareeyo roobabka la filayo in ay da’ aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here