Wasiirka Maaliyadda Oo Dowladda Uk kala hadlay kordhinta Taageerada Maaliyadeed

0
750

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Dowladda UK oo kala ah Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Muqdisho Kate Foster Safiirka iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip Parham.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyinta uu la kulmay taageerada dowladda Uk ay siiso Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan.

 

Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay wadaa dadaal ku aadan sidii deymaha looga cafin lahaa, waxaana jira dalal dhowr ah oo deymaha ka cafiyay Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here