Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash wareegto kasoo baxday ayaa lagu Magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug.
Axmed Karaash ayaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland u magacaabay Faysal Shiikh Cali Maxamed.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne ku-xigeenka kasoo baxday:
Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug.
Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr. 93, April 24, 2022, kuna saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dowladda Puntland.
Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.
Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.
Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Shiikh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay.
DHAMMAAD.













