Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlayay dar-dargelinta hawlaha shaqo ee ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar iyo sidii ay ugu qeyb-qaadan lahaayeen qorshaha bilicda magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar, Jen Maxamed Carabow Cali ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ciidanka Ilaalinta deegaanka, isbeddelka dhinaca tayada ee lagu sameeyay iyo caqabadaha jira, isaga oo xusay in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka loo igmaday.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Amiir ayaa xusay ka go’naashiyahiisa ku aaddan tayeynta iyo dhismaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar, waxa uuna saraakiisha ciidanka furay inay dardargaliyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda caasimadda, kor u qaadista dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada gobolka Banaadir.