Xukuumadda oo ka hadashay qarax lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidanka xooga dalka

0
359

 Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qaraxii miino ee magaalada Muqdisho si gaar ah Isgoyska Banaadir lagula eegtay Sarkaal ka tirsan Militariga Soomaaliya kaas oo lagu magacaabo General Maxamed Xaashi Guuleed, xili uu marayay wadadaas.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa caafimaad deg deg ah loogu rajeeyay Sarkaal ka oo uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa ka tacsiyeeyay labada marxuum ee ku dhimatay qaraxa lala eegtay General Maxamed Xaashi kuwaas oo ilaalo u ahaa.

Hoos Ka Akhriso:

Caafimaad deg deg ah ayaan Eebe uga baryaynaa General Maxamed Xaashi Guuleed.

Kooxda cadowga ee Shabaab waxaa ay saaka qarax miino ku bartilmaameedsadeen General Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee CXDS inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalkii hore ee Digfeer kaas oo uu soo gaaray dhaawac.

Waxa aan General-ka Ilaah uga baryeynaa inuu siiyo caafimaad deg deg ah , waxa sidoo kale aan halkan u tacsiyadeynayaa qaraabada  labada askari ee geeriyooday oo kala ah Feysal Xasan Cumar iyo Xuseen Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa ilaalada Jananka ,waxana aan Eebe uga rajeynayaa in Janadiisa uu u hibeeyo.

General Maxamed Xaashi waxa uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah  u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , xurmad weyna ku dhex leh kaas oo kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Militiriga Soomaaliya.

Ilaah ha caafiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here