Guddoomiye Muungaab oo la shiray madaxda degmooyinka+Sawiro

0
115

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ayaa ugu baaqay Maamullada Degmooyinka Caasimadda in ay dardargeliyaan ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, ka-qaybqaadashada dadaallada lagu xoojinayo amniga, iyo u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka ee dhowaan ka dhici doonta Muqdisho.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay abaabulka iyo isku-duwidda bulshada si looga qaybqaato u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka, isaga oo ku boorriyay shacabka iyo hay’adaha amniga in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ka-hortagga kooxaha amni-darrada sameeya.

Waxaa sidoo kale shirka lagu gorfeeyay sare-u-qaadidda hufnaanta maaliyadeed, iyadoo la dabbaqayo siyaasadda ‘Maaliyad Mujtamaca Marqaati ka yahay’.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeennada Hawlaha Guud, Maaliyadda, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here