Golaha Wasiirada XFS oo Shirkoodii Caadiga ahaa ku Meel-mariyay Hindise Sharciyeedyo Muhiim ah: SAWIRRO

0
310

Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, laguna ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirada ayaa dhegestay warbixinno ku saabsan guulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kasoo hoyeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta .

Sidoo kale, Golaha ayaa cambaareeyay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ay ku beegsadeen Kulliyadda Ciidamada Xoogga Dalka ee Jaalle Siyaad. Waxaa uu Golaha tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha CXD ee askartii ku shahiiday weerarkaas, iyagoo Rabbi uga baryay inta dhaawacantay inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.

Ugu dambeyn, Golaha ayaa meel-mariyay Hindise Sharciyeedyada kala ah:

1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.

3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.

5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

6. Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here