SAWIRRO: Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo samata-bixiyay colaadda Suudaan oo la keenay Muqdisho: VIDEO

0
464

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Muqdisho muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo saarsy dalka Suudaan oo ay dagaallo ka socdaan, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Muwaadiniinta Muqdisho laga soo dajiyay maanta ayaa waxay tiradoodu ahayd 18 ruux ayaa diyaarad ay Kenya leedahay waxay kasop qaaday Xadka Sudaan uu la leeyahay dalka Koonfurta Suudaan, gaar ahaan Magaalada Buluja.

Danjire, Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) oo ah ku-simaha xoghayaha joogtada ah wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa sheegay in diyaarad qaas ah oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday muwaasiniitaan Soomaaliyeed Dalka Koofurta Suudaan.

“Dadkaan ay Kenya kasoo qaadday xadka ay la leedahay South Sudan, waxa aan uga mahadcelinaynaa xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo qayb weyn ka qaatay in Muwaadiniintan Soomaaliyeed lasoo qaado,” ayuu yiri Danjire Diinaari.

Ugu dambeyn, Waxaa la filayaa in isla maanta garoonka Aadan Cadde laga soo dajiyo 500 oo qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ahx kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay kasoo daad-gureynayso dalka Suudaan oo xilligan ay ka jirto xabbad-joojin aan la isku halleyn karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here