Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud oo kormeeray xarunta Waaxda Gurmadka degdegga.

0
324

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Waaxda Gurmadka degdegga, Waaxda Solarka iyo Waaxda Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar, isagoona halkaasi kula kulmay madaxda Waaxyahaasi.

Agaasimeyaasha waaxaha ayaa guddoomiye kuxigeenka howlaha guud ugu warbixiyay howlaha ay waaxyuhu qabtaan iyo qorshayaasha hortabinta u leh si loo xoojiyo adeegyada kala gedisan ee loo haayo bulshada caasimadda.

May be an image of 8 people and suit

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan ayaa kula dardaarmay madaxda waaxyaha in ay dardargeliyaan howlahooda shaqo, waxa uuna balan qaaday in uu ka shaqeyn doonno sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada loo fidiyo bulshada.

May be an image of 14 people, ambulance and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here