Ururka Midowga Yurub ayaa ansixiyeen lacag dhan 116.9 milyan oo doollar oo loogu tala-galay dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.
Lacagtan malaayiintaan oo ay ansixiyeen guddiga siyaasadda iyo amniga Midowga Yurub ayaa lagu taageerayaa hannaanka kala guurka ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (ATMIS), sidaas waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay ururka Midowga Yurub.
Sidoo kale, Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay lacagtaan ku dari doonaan 74.4 milyan oo doollar oo lagu sheegay qalabkii isticmaashay ATMIS-ta sanadihii lasoo dhaafay iyo 42.5 milyan oo doollar oo loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
“Labada tallaabo waxa ay ujeeddadoodu tahay inay gacan ka geystaan wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ciidanka ATMIS ay ku warwejinayaan ciidamada Somalia, iyadoo u oggolaanaysa labada ciidan inay gutaan waajibaadyadooda,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Midowga Yurub Talaadadii lasoo dhaafay.
Sannadkii 2023-kii, ATMIS waxay billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, iyadoo u hoggaansantay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo dhigayay in ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo hawlgallada ka socda gudaha dalka.
Ciidamada ATMIS ayaa soo gaba-gabeeyay wajiyadii 1-aad iyo 2-aad ee dhimista ciidamo gaaraya 5,000 oo askari, waxayna 13 saldhig oo ciidan ku wareejisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Dhanka kale, 4,000 oo askari oo dheeri ah ayaa la filayaa in laga saaro Soomaaliya dhamaadka bisha June ee sanadkaan 2024.
Malaayiinta lacageed ee Midowga Yurub ka imaanaysa ayaa qayb ka ah lacagaha gunnada ah ee ay qaasanayaan ciidamada ATMIS, halka ciidamada dowladda FS ay iyaguna heli doonaan qayb ka mid ah qalabka loogu talo-galay dagaallada ka dhanka ah Khawaarijta.
Ugu dambeyn, Ururka Midowga Yurub ayaa ah ururka ugu weyn ee dhaqaalaha ku bixiya hawlgalka ATMIS, iyaga oo tan iyo sanadkii 2007-dii ku bixiyay lacag ku dhaw 2.87 bilyan oo doolar.













