Mas’uuliyiin Kormeeray Hawlo Nadaafadeed oo laga Fuliyay Degmooyin ka tirsan Muqdisho: SAWIRRO

0
235

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa caawa kormeeray olole nadaafadeed laga fuliyay waddada dheer ee wadnaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Siinaay illaa iyo isgoyska Sanca.

Olalahan oo qayb ka ah qorshaha bilic soo celinta magaalada Muqdisho, ayaa waxaa iska kaashaday maamullada degmooyinka Warta Nabadda, Boondheere, Yaaqshiid, Shibis iyo waaxda nadaafadda iyo bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar.

Gunaanadkii, Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu digniin u diray dadka ku ganacsada hareeraha laamiga in aysan ku xad-gudbin nadaafadda, iyada oo aan laga aqbali doonin in qashin lasoo dhigo jidka laamiga ah, lana ganaaxi doono ciddii ku xad-gudubta. Bulshada ayaa loogu baaqay inay ka qeyb qaataan bilicda iyo nadaafada magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here