Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Somalia, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan wadareedka farsamo ee dhaqan-gelinta heshiiska Golaha Wadatashiga ee Hannaanka Doorashooyinka Qaran.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen farsamo-yaqaanno ka socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dastuurka, xafiisyada madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha iyo hawlwadeennada shaqada sii wada ee ka tirsan guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha ayaa xoogga lagu saaray sidii loo heli qorshe shaqo oo dhameystiran oo la xiriira doorashooyinka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XF Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa hawl-wadeenna kala duwan ee matalayey xafiisyada kala duwan uga warramay ahmiyadda in la helo qorshe dhameystiran oo lagu shaqeynayo muddada soo socota.
“Waa in xafiisyadan kala duwan ay isla dajiyaan Roadmap lagu shaqeeyo oo cid walba ku qanci karto iyadoo la tixgelinayo heshiiska doorashada ee ay gaareen madashada wadatashiga Qaran,” ayaa ka mid ahaa hadal-jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallin Fiqi.
Ugu dambeyn, Inta uu kulankan socday waxaa soo-jeedinno kala duwan soo bandhigay xafiisyada iyada oo laga dooday shuruuc badan oo wax kabeddel u baahan, waxaana la iska soo qaaday arrimaha sharciga, wacyigelinta, la falgalka saamileyda iyo qaybaha kale ee jileyaasha siyaasadda iyo bulshada.















