Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraaca waxbarashada ardayga Soomaaliyeed, waxaana habraacaas ku xusan in waxbarashada Jaamacadeed ay noqoto afar sano, marka laga reebo sanadka uu arfaygu marayo waxbarashada asaasiga ah.














