Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay shirka saddex biloodlaha ah ee madasha isku xirka hawlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaarta xagjirka ah ee rabshadaha wadata, kaas oo ay soo qaban qaabisay xarunta Qaran ee Tubsan.
Mudane Saalax ayaa madasha ka sheegay sida ay muhiimka u tahay in la wiiqo afkaarta ku dhisan argagixisanimada ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku marin habaabiyaan kooxaha Khawaarijta ah ee naxatiista daran.
Ugu dambeyn, Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu wiiqay awooddii Khawaarijta ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen.























