Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray xarunta hawlgalka deg-degga ah ee caafimaadka dadweynaha gobolka Banaadir.
Xaruntan oo laga hirgeliyay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho ayaa noqon doonta mid la socota dhaq-dhaqaaqyada xaaladaha caafimaadka ee gobolka ka jira iyo ururinta xogaha, sida uu sheegay agaasimaha caafimaadka maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamed.
Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in xaruntan hawlgalka deg-degga ah ee caafimaadka dadweynaha ay qayb weyn ka qaadan doonto daboolidda adeegyo caafimaad oo ay baahi u qabaan bulshada gobolka Banaadir.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka, isaga oo faray agaasinka caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar in xoogga la saaro arrimaha faya-dhowrka si loo ilaaliyo bad-qabka bulshada.


































