Arsenal oo Heshiis Xilli Dheer ah la Saxiixatay Laacib Khadka Dhexe ka Cayaara: SAWIRRO

0
601

Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal ayaa la soo wareegtay Declan Rice oo u cayaari jiray kooxda West Ham United, waxa ayna la gashay heshiis waqti dheer ah, kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa maanta sheegtay, iyadoo tababare Mikel Arteta uu ku tilmaamay in xiddigan heerka caalami ee reer England uu yahay mid cayaar wanaag ku caan-baxay.

Dhaqaalaha ay Arsenal kula soo wareegtay laacibkan lama shaacin, balse warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in qiimaha xiddiga khadka dhexe uu ahaa 105 milyan oo gini oo u dhiganta 137.45 milyan oo doollar, taasoo ka dhigaysa heshiiskii ugu qaalisanaa ee Arsenal ay koox ka dhisan England cayaaryahan uga iibsato.

“Waa ciyaaryahan leh awood heer sare ah, kaasoo qaab ciyaareed heer sare ah soo bandhigi doono,” Premier ayuu yiri Arteta. Isaga oo intaas ku daray: “Declan waxa uu kooxda kusoo kordhinayaa cayaar xirfad ahaan aad u sarreysa, waana xirfadle aan caadi ahayn kaas oo awood u leh in uu guulo waaweyn ka gaaro kooxdan.”

24-sano jirkan ayaa lacagta ay Arsenal ku soo iibsatay waxa ay ka badan tahay 100 milyan oo ginni oo ay Manchester City ku iibsatay kooxda Aston Villa khadka dhexe ee England Jack Grealish 2021-kii.

Rice ayaa sidoo kale noqotay saxiixii ugu qaalisanaa ee Arsenal, iyadoo dhaaftay 72 milyan ginni oo ay Lille kaga soo iibsatay Nicolas Pepe 2019-kii, valse qiimaha ayaa ka hooseeya 107 milyan ginni oo ay Chelsea ku iibisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Benfica Enzo Fernandez 2023-ka.

Sidoo kale, Rice oo kooxdiisa West Ham ay kuu guuleystay koobka Europa Conference League, ayaa waxaa loo magacaabay xiddig kaalin weyn ku lahaa koobkii Europa Conference League, taas oo ku mutaystay koobkoodii ugu horreeyay ee Yurub ah in ka badan nus qarni iyo koobkii ugu horreeyay ee weyn tan iyo FA Cup 1980-kii.

“Declan waxa uu khibrad weyn u leeyahay Premier League isagoo 24 jir ah,” Arteta ayaa yidhi. “Waxa uu kabtan u noqday kooxdiisii West Ham oo aad u cayaar wanaagsanayd, sida aan wada aragnay, waxa uu dhawaan kor u qaaday koob Yurub ah, mas’uuliyadda iyo doorka uu qaatay waxa ay ahayd mid cajiib ah, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in uu nagu soo biiro”.

SHAQADA DHALLINYARADA

Rice waxa uu xirfadiisa dhalinyarada ka billaabay akadeemiyadda Chelsea ka hor inta uusan u dhaqaaqin West Ham isagoo 14-jir ah, isagoo kulankiisii ​​ugu horreeyay u saftay Hammers 2015-kii.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa la siiyay calaamada kabtanimada kaddib markii uu Mark Noble ka fariistay ciyaaraha 2022-kii, waxa uuna West Ham u cayaaray 240 in ka badan, isaga oo u dhaliyay 15 gool.

Dhanka kale, Rice waxa uu u matalay xulka Ireland heer dhalinyaranimo, balse wuxuu daacad u noqday England 2019-kii, isagoo saftay kulankiisii ​​ugu horeeyay isla sanadkaas. 41-jeer ayuu u ciyaaray xulkiisa Qaranka, isagoo ku soo bilowday dhamaan shantii kulan ee ay ciyaareen koobkii adduunka ee sanadkii hore lagu qabtay Qatar.

Saxiixa Declan Rice ayaa xoojin doona kooxda tababare Arteta kaddib bixitaankii Granit Xhaka, iyadoo Arsenal ay isha ku hayso inay mar kale u tartanto horyaalka Premier League iyo Champions League markii ugu hoereysay tan iyo 2016-17.

“Waxaan eegayay Arsenal labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyo qaabkii ay u socdeen,” ayuu yiri Rice, waxa uuna intaas ku daray: “Kooxdu cayaar aad iyo aad u wanaagsan ayay soo bandhigtay labadii xilli cayaareed ee ugu dambeeyay.”

Arsenal ayaa saxiixan waxa uu noqonayaa midkii saddexaad ee suuqan kala iibsiga, kaddib Kai Havertz oo ay Chelsea kasoo iibsatay iyo daafaca Jurrien Timber oo ay kasoo iibsatay kooxda Ajax Amsterdam.

Ugu dambeyn, Kooxda Arsenal ayaa wajihi doonta kooxda ku guulaysata horyaalka Premier League iyo FA Cupka ee Man City 6-da Agoosto, kulan ka tirsan Community Shield, ka hor inta ayna Nottingham Forest la cayaarin kulanka furitaanka horyaalka Ingiriiska ee 12-ka August 2023-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here