SAWIRRO: Wasiirka Amniga Gudaha oo Shir-guddoomiyay Wajiga labaad ee mashruuca Horumarinta Booliiska Soomaaliyeed

0
225

Waiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS, Jen. Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyay shirka wajiga labaad ee mashruuca JPP ee horumarinta booliiska Soomaaliyeed, kaasoo looga arrinsanayo sidii loo horumarin lahaa ciidanka booliiska.

Shirkan waxaa goobjoog ahaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Sulub Axmed Firin, Wasiirrada Amniga ee Dowlad-goboleedyada xubinta ka ah DFS iyo deeq-bixiyeyaasha.

Ujeedadda shirkan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta ciidanka booliiska Soomaaliyeed, si ay ula falgalaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Fartaag oo shirka hadal ka jeediyay ayaa uga mahad-celiyaya saaxiibbada caalamka ee mar walba garab-istaagga booliiska Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Sulub Axmed Firin ayaa ka hadlay habka loo marayo mashruuca hormarinta booliiska Soomaaliya, kana mahad-celiyay sida beesha caalamku ay ula shqqeeyeen booliiska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here