Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobalka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda diinta iyo awqaafta XFS, mudane Saalax Shariif Sayid Cali ayaa ka wada-qaybgalay kulan loogu hadlayay doorka culumada degmada Warta Nabadda iyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.
Kulankan oo ay isugu yimaadeen, culuma’uddiinka, saraakiisha amniga iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada ayaa waxaa ka hadashay guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, marwo Seynab Xaabsay oo sheegtay in bulshada ku nool degmada Warta Nabadda oo ay ugu horreeyaan culumada ay ka go’an tahay ku garab-istaagga madaxda dalka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa dhankiisa xusay in shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, isaga oo xusay in duqa caasimadda ahna guddoomiyaha gobolka uu xafiiskiisa ugu maqan yahay sidii uu u garab-istaagi lahaa ciidamada qaranka iyo kuwa difaaca shacabka ee gobolka Shabeellaha Dhexe kawada dagaalka sifeynta khawaarijta.
Ugu dambeyn, qaybaha kala duwan ee culumada, saraakiisha iyo wasiir ku-xigeenka wasaarada diinta iyo awqaafta oo halkaas ka hadlay ayaa dhankooda xusay in aysan jirin meel loogu haro dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka, mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

























