Ra’iisul Wasaare Xamse oo Casho-sharaf u Sameeyay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Turkiga ee saaran Markabka Dagaal: SAWIRRO

0
240

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay saraakiisha iyo taliyeyaasha ciidamada Turkiga ee saarnaa markabka dagaal oo ay leeyihiin ciidanka difaaca dalka Turkiga oo maanta soo gaaray dalkeenna, kaas oo ka ah qayb dhaqan-gelinta heshiiska iskaashi ee difaaca xeebaha Somalia ee ay horay u kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in markabka difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada ka dhexeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, Kulankan casho-sharafka ah ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Xamse ku wehlinayay xubno isugu jiray – wasiirro xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo danjiraha dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Hadallo kala duwan oo laga jeediyay kulanka ayaa lagu tilmaamay in heahiiska Turkiga iyo Soomaaliya ee lagu digaacayo xeebaha Soomaaliya uu qayb ka yahay qorshayaal ay DFS ku doonayso inay sare ugu qaado horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here