WAR SAXAAFADEED: DFS oo sheegtay in Hawlgal laga fuliyay Duleedka Degmada Xarardheere lagu dilay 70 Khawaarij ah

0
300

In ka badan 70 Khawaarij ah ayaa lagu dilay ilaa 30 kalana waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km Waqooyi kaga beegan magaalada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Malleeshiyadan ayaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaalla deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku arursanayeen illaa 150-Khawaarij ah, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyo ka soo firxaday hawlgalkii shalay ka dhacay deegaanka Carfuuda iyo maleeshiyo kale oo la soo aruriyay.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa wali ku raad-jooga illaa konton Khawaarij ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan, iyada oo sidoo kale Khawaarijtu dhaawacyadu gaareen ay daryeel la’aani hayso.

Ugu dambeyn, Ciidanka Qaranka Somalia, saaxiibbda caalamka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu jabiyay Khawaarijta hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah dalka, waxaana ka go’an DFS in la sii xoojiyo bartilmaameedsiga lagu beegaanayo Khawaarijta illaa dadkeennu xor ka noqonayo cadowga ku soo duulay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here