Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka Gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ugu qayb-galay madasha magaalooyinka Bariga Afrika oo ay ku midaysan yihiin Dowladaha Hoose ee Soomaaliya, Uganda, Burundi, Congo, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Rwanda.
Madasha ayaa looga hadlay dardar-gelinta iskaashiga Dowladaha Hoose ee dalalka Bariga Afrika, daadajinta adeegyada guud illaa iyo heer Dowladda Hoose, daadajinta awoodaha, kheyraadka, dhaqaalaha iyo in talooyinka shacabka ay qayb ka noqdaan talooyinka lagu horumarinayo Dowladaha Hoose ee Bariga Afrika.
Shirkan oo socday 21-ka – 25-ka Abriil, ayaa waxaa Dowladda Hoose ee Muqdisho ugu qayb-galay agaasimaha waaxda arrimaha dibadda iyo hay’addaha caalamiga, mdane Maxamed Xasan iyo xubno kale, iyadoo dhamaadka madashan laga soo saaray war-murtiyeed ujeedkiisu ahaa Iskaashi iyo in si wadajir loo xaliyo caqabadaha haysta Dowladaha Hoose ee dalalka Bariga Afrika, isla markaana ay iska taageeraan dhinacyada tababarrada iyo aqoon is weydaarsiga.
Ugu dambeyn, Dowladda Hoose ee Xamar ayaa madashan ka mid noqotay kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).















