Sawirro: Arsenal oo dirqi ku gaadhay kooxaha meesha sare uga jira kala sareynta Premier League

0
303

Kooxda Arsenal ayaa si dirqi ah uga badisay kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay Selhurst Park, halkaas oo uu Martin Odegaard ugu dhaliyay gool rigoore ah, kaasoo u suuro-geliyay kooxda inay la hoyato saddexda dhibcood oo nadiif ah.

Arsenal daqiiqadihii ugu dambeeyay waxaa kaarka cas laga siiyay difaacooda Tomiyasu kaddib markii uu galay khalad weyna, waxayna kooxda ku cayaartay qaybtii dambe 10 cayaaryahan.

Kooxea Araenal ayaa fursado badan heshay qaybtii hore ee cayaarta balse, waxaa jilibka u dhigtay kooxda Crystal Palace oo diidday in shabaqeeda kubad la taabsiiyo, waxa ayse Arsenal goolkeeda dhalisay daqiiqadii 51-aad ee qaybtii dambe, kaasoo ahaa gool ku laad.

Laacibiintii Crystal Palace ee cayaarta ka dhex muuqday ayaa kala ahaa; ay dhibaato badan gelisay difaaca Arsenal, Ayew, Eze iyo Edouard balse waxay dhamaantood awoodi waayeen inay gool ka dhaliyaan goolhaye Aaron Ramsdale.

Eddie Nketiah ayaa birta ganaaxay isaga oo helay fursaddii ugu fiicnayd ee Arsenal, ka hor intii aanu Martin Odegaard kubbad uu laba-lugoodis isku rogay aanu ka badbaadin goolhaye Johnstone.

Arsenal ayaa waxay kubaddeedu usoo noolaanaysay si qunyar-qunyar ah, waxaana waqtigii nasashada uu tababare Mikel Arteta lasoo dardaarmay khadka dhexe oo ahayd halka laga jabsaday iyo dhinacyada oo ay u maare la’aayeen ciyaartoyda orodka badan ee Palace.

Kaarka Cas ee la siiyay Tomiyasu ayaa dhaliyay hadal-hayn badan, kaddib markii uu garsooruhu ku qancay in uu qabsaday Jordan Ayew oo ay kubadda isku qateen, sidaana ku siiyay kaarka labaad oo digniin ahaa, balse muuqaallada la helay ay muujinayaan in aanu qabsanin.

Ugu dambeyn, kooxda Arsenal ayaa waxay leedahay 6 dhibcood, waxaa ayna si  dirqi ah ku gaadhay kooxaha Brighton iyo Man City oo kaga horreeya farqiga goolasha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here