Madaxweyne Xasan Shiikh oo Aqalka Madaxtooyada Dar Es Salaam kulan kula Qaatay Madaxweynaha Tansaaniya: SAWIRRO

0
206

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta aqalka madaxtooyada dalka Tanzania kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania, marwo Samia Suluhu Hassan.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda ku falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasada, arrimaha bulshada, amniga dhaqqalaha iyo arrimaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku guda jira socdaal rasmi ah oo uu ku joogo dalka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, kadib martiqaad uu ka helay madaxweyne Samia Suluhu Hassan.

Ugu dambeyn. Madaxweynaha Tanzania ayaa sidoo kale kulankaas ku aqbashay martiqaad uu u fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay socdaal ku timaaddo Soomaaliya.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here