SAWIRRO: Guddoomiye Yabooh oo ka furay Muqdisho Tababar Xirfado kala duwan lagu barayo Tiro Dhallinyaro ah

0
326

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta oo Sabti ah xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir ka daah-furay barnaamijyo xirfado ah oo dhallinyarada lagu bari doono todobaadyada soo socda, si ay ugu shaqeystaan kaddib marka ay dhameystaan tabarbarkooda.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa daah-furay tababarkan oo lagu baran doono barashada xirfadaha nijaarnimada, barashada xirfadaha qurxinta dumurka iyo barashada xirfadaha mashiinada ku shaqeeya gaaska iyo hawada.

Guddoomiye Yabooh oo dhallinyarada la hadlay ayaa ugu dardaarmay kaddib marka uu u dhamaado tababarkooda in ay awood u yeelan doonaan in ku shaqeystaan xirfadaha lagu baray xarunta dhalinyarada, kuwaas oo loo bari doono qaab gacan ka qabasho ah.

Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir, mudane Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa ugu mahad-celiyay guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda sida uu u garab-taagan yahay dhallinyarada, sidoo kale waxa uu ugu mahad-celiyay dhallinyarada fursadda u heshay in ay si wanagsan ah ugu faa’iideystaan, taas oo u sahli doonta in ay abuurtaan xirfado ay ku shaqeystaan mustaqbalka.

Ugu dambeyn, Tababarkan sare loogu qaadayo xirfadaha dhallinyarada ayaa waxaa dhallinyarada gobolka Banaadir ka taageeryay cutubka ciidamada Talyaaniga ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here