DAAWO: Duqa Muqdisho oo soo xiray Tartan Aqooneedkii bisha Ramadaan: SAWIRRO

0
424

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray tartan aqooneedkii bisha Ramadaan ee sanadka 1444H oo ku beegan 2023-ka ee ay qabatay Idaacadda Codka Caasimadda ee maamulka Gobolka Banaadir, kaddib Munaasabad maanta lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Waxaana goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Yabooh, Agaasimayaal, guddoomiyeyaal degmo iyo marti-sharaf kale.

Tartankan ayaa waxaa ku guuleysatay degmada Kaaraan, iyadoo degmada Shibbis ay gashay kaalinta labaad, sidoo kale deegaanka Daarusalaam ayaa galay kaalinta saddexaad.

Ugu horreyn, Agaasimaha Idaacadda Codka Caasimadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane C/naasir Xersi Iidle oo munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadiyay degmooyinkii iyo deegaannadii tartanka ka qayb-galay, isagoo u mahadceliyay cid walba oo gacan ka geysatay qabsoomidda tartan aqooneedka.

“Tartan aqooneeeka waxa uu billowday 3-da  Bisha Ramadaan, waxa uuna soo dhammaaday 27-ka bisha Ramadaan. 25 maalmood ayuu socday, 38 kulan ayaa la qabtau, waxaana tartamayaasha la weydiiyay 532 su’aalood, 20% ka mid ah su’aalahaas lagama jawaabin, 80% waa laga jawaabay. Ma jirin caqabad hakisay barnaamijka, ma jirin cabasho aan ahayn 10 su’aalood waana la xaliyay,” ayuu yiri Agaasime C/naasir Iidle.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, Mudane Abshir Maxamuud Maxamed oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka tartanka Ramadaanka kuna hadlay magaca guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa sheegay ka sokow guusha raacday defmadiisa in guushii tartanka ay raacday degmooyinka Bariga Muqdisho.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay in degmada Kaaraan oo la daalaa-dhacaysay amni darro ay maanta noqoto horyaalka aqoonta Gobolka Banaadir.”

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu sheegay in maanta ay degmada Kaaraan tahay mid nabad ah oo dadkii masaajidda ay si nabad ah ugu tukanayaan Tahajudka.

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay kaalintii ay tartanka ka qaateen Idaacadda Codka Caasimadda ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamulkeeda, waxaa kaloo uu u mahad-celiyay Mu’asadda Jaabir Bin Xayaan iyo guuleystaashii tartanka.

Gunaanadkii, Agaasimaha Idaacadda Codka Caasimadda Gobolka Banaadir ayaa billad sharaf guddoonsiiyay guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Madaale, taasoo uu ku muteystay waxqabadkiisa. Waxaa kaloo uu shahaadooyin iyo abaal-marrino lacageed guddoonsiiyay guuleystayaashii tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here