Taliye Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socda dalka Masar kuwaas oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Soo dhaweynta saraakiishan waxa goob-joog ahaa taliye ku xigeenada booliiska Soomaaliyeed, Jen. Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Jen. Zakiya Xuseen Axmed iyo hoggaannada ciidanka.
Ujeeddada socdaalka wafdigan ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, waxa uuna saraakiishan uga mahadceliyay aqbalaadda casuumaddii uu u fidayay, sidoo kalena uga mahadceliyay is garab-taagga ay u sameeyeen ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Saraakiisha ka socday dalka Masar ayaa bogaadiyay hormarka ay ku tallaabsadeen ciidan booliiska Soomaaliya, iyaga oo xusay in ay ciidanka booliiska Soomaaliyeed ka taageeri doonaan tababarrada, xirfadaha iyo guud ahaan hormarrada ciidanka.
Ugu dambeyn, Booqashadan saraakiisha ka socda ciidanka booliiska dalka Masar ay imaanaysaa xilli ciidanka booliiska Soomaaliyeed uu ballaarinayo adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.


































