Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Somalia oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah ayaa ansixiyey heshiis oskaashi ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Heshiiska garsoorka ee ay gaareen dalalka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qaybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, gargaarsi sharciyeed, dhiibid eedeysanayaal ama dambiileyaal iyo wareejin shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.
Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.
Ugu dambeyn, Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey heshiiska iskaashiga ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Baakistaan.














































