Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo ka billaabanaysa Xaliimo Hayte illaa Ceel-cadde, taasi oo dhex-maraysa degmada Kaaraan iyo deegaanka Gubadleey.
Dhismaha Waddadan laamiga ah oo ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Banaadir, bulshada degmada Karaan iyo bulshada deegaanka Gubadleey ayaa loogu magacdaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ‘Waddada Madaale – Madaale Road’ maadaama ay tahay markii ugu horreysay oo waddo laami ah laga hir-geliyo inta u dhexeysa Muqdisho iyo Ceel-cadde.
Munaasabadda dhagax-dhiggaan waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaal degmo, agaasimeyaal, odayaasha dhaqanka, ganacsato iyo qaybaha bulshada degmooyinka Kaaraan iyo Gubadleey.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tan iyo markuu xafiisska yimid dadaal weyn u galay dhismaha waddooyinkii burbursanaa ee Xamar, isaga oo ku guuleystay hawlahaas.




















































