Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Africa+Sawiro

0
562

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabilsanaha Midowga Yurub arrimaha geeska (EUSR) Marwo Annette Wamber oo ay wehlinaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann iyo xubno kale.

Kulanku wuxuu ku saabsanaa sidii Midowga Yurub uu gacan uga siin lahaa Aqalka Sare BFS gudashada waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee loo igmaday.

Kulanka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Senator Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab” iyo Xoghayaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here