Guddoomiye Madaale oo Daah-furay Ololaha Qalliinka iyo Daweynta Carruurta ku dhalata Dalloolada Wadnaha: SAWIRRO

0
419

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay ololaha qaliinka iyo daweynta caruurta ku dhalata daloollada wadnaha, kaas oo ay iska kaashanayaan hay’adda samafalka ee Madaale Foundation iyo isbitaalka takhasusiga ah ee Redsea.

Mashruucan oo qayb ka ah qorshaha samafal oo ay fuliso hay’adda Madaale Foundation ayaa loogu talo-galay in ay ka faa’iideystaan tobonnaan caruur ah oo ku dhashay xanuunka daloollada wadnaha. Waxa ayna hay’adda horey u fulisay indho-fiiqis loo sameeyay boqollaal bukaan ah oo la il darnaa xanuunka indhaha.

Ugu dambeyn, Munaasabadda daah-furka ololahan waxaa goobjoog ka ahaa wasiir-u-dowlaha wasaarada caafimaadka XFS, Dr. Maryan Maxamed Xuseen, guddoomiyaha degmada Hodan, maamulka isbitaalka Redsea, bahda caafimaadka iyo qaar ka mid ah bukaannada ololahan lagu daaweyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here