MADAXWEYNE XASAN: Somalia way iska difaaci doontaa Itoobiya haddii ay damacdo fulinta Qorshaheeda

0
447

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sh. Maxamuud oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Soomaaliya ay iska difaaci doonto Itoobiya, haddii ay ku adkeysato fulinta heshiis beenaadkii ay 1-dii bishii Janaayo ee sanadka la saxiixatay maamulka Somaliland.

Heshiiskan ayaa dhigayay in Itoobiya ay ka sameysato saldhig ciidan dhul 20-km ah oo ku teedsan xeebta Saylac ee Somalia, halka Somaliland ay dalbatay in Itoobiya ay aqoonsato.

Damaca gurracan ee toobiya ayaa sababay jawaab celin diidmo ah oo ay Soomaaliya ka bixisay, waxaana laga baqdin qabaa in heshiiskan uu xiisad ka abuuro Gobolka Geeska Afrika. Madaxweynuhu waxa uu heshiiskii Somalia iyo Turkiga ay kala saxiixdeen ku tilmaamay mid dhanka badda ah.

“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato heshiiska aan sharciga ahayn, Soomaaliya way iska difaaci doontaa, waa ayna diidi doontaa,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi ku siiyay Reuters xafiiskiisa Villa Somalia.

Waxa uuna hadalkiisa raaciyay: “Haddii ay dalka soo galaan, Somalia waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karayso.” Waxa kale oo uu madaxweynuhu sheegay in waxa keliya ee uu aqbali doono ay tahay in uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed kala hadlo arrinkaan marka xukuumadda Addis Ababa ay ka laabato heshiiskii gacan-ku-rimiska ahaa ee ay la gashay Somaliland.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa horay u sheegay in Itoobiya aysan qorshaha ugu jirin in ay colaad ka bilowdo Soomaaliya, ayna isku dayeyso in ay wax ka qabato baahideeda dhanka badda, taasoo u cuntami weyday xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in uusan qorsheynayn in uu dalka ka cayriyo ku dhawaad ​​3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Somalia, kuwaasi oo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya soo galay dabayaaqadii sanadkii 2006-dii si ay uga saaraan dhaq-dhaqaaq Islaami ah oo Al-shabaab ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qiyaasaha dowladdiisa ay muujinayso in Al-shabaab ay qorteen inta u dhexeysa 6,000 illaa 8,000 oo dagaalyahanno cusub ah bishii Jannaayo ee lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweynaha ee ku aaddan is-xiijinta Al-shabaab ayaa imaanaya xilli caalamku uu si aad ah uga digayay in heshiiska Itoobiya ay la gashay Muuse Biixi uu sababi karo in Khawaarijtu ay dib isku abaabulaan, kaddib jabkii ka gaaray dagaalladii ka dhanka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here