Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka HIV/AIDS oo sanad walba 1-da bisha December lagu qabto caalamka oo dhan.
Xuska sanadkan ayaa lagu soo bandhigay hal-ku-dhig sanadeedka kaasoo ah: ‘Raac tubta toosan’ oo macnaheedu yahay waa in qof walba uu i jiheysto sidiicudurkaan loo ciribtiri lahaa. Waxaana mas’uuliyiintii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in tallaabo ka duwan kuwii hore la qaadayo, si dadka la nool cudurka ay uga baxaan faquuqa lagu hayo.
Guddoomiyaya SCAC, Mudane Maxamed Axmed Jimcaale oo mubaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dalladda ay tan markii la aasaasay sanadkii 2005, waxa uuna xusay in dadaalka ay sii wadayaan tan iyo inya cudurkaan la ciribtirayo. Sidoo kale, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay inuu takoorku dhammaan doono xilli dhaw, isagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay kaalintooda ka qaataan sidii loo joojin lahaa takoorka dadka la nool xanuunkaan oo la mid ah cudurrada kale ee dadka ku dhaca.
“Waxaa cajiib ah in nin dhuxul gada oo la noolaa cudurka laga kala cararay, waxaana taas ay muujinaysaa in dadka cudurka la nool ay qabaan dhibaatooyin laga xumaado,” ayuu yiri Maxamed Axmed Jimcaale. Sidoo kale, Jimcaale waxa uu sheegay in cudurkan aan galmo oo keliya lagu kala qaadin ee ay jiraan siyaabo kale oo lagu kala qaado, balse dadka laga dhaadhiciyay in lagu kala qaado galmo oo keliya.
Dhanka kale, Jimcaale waxa uu sheegay in 7-qof oo kilyaha ka xanuunsanaa isla markaana la noolaa cudur ay daryeel la’aan u dhinteen sanadkan, kaddib markuu loo diiday in isbitaallada Muqdisho loogu dhaqo kilyaha. Wuxuuna dalbaday in laga shaqeeyo sidii bahda caafimaadka ay kaalintooda u qaadan lahaayeen, una caawin lahaayeen dadka xanuunka la nool.
Mas’uuliyiin ka socday xarumaha kala duwan ee caafimaadka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay caawiyaan dadka xanuunka la nool, iyagoo sheegay in lasoo saaray cirbad uu qofka fiyoow qaadanayo, taasoo ka hor-istaagaysa inuu cudurku ki dhaco, taasoo sheegeen inay tahau guul kale oo u soo hoyatay bulshada caalamka.
Ergayga nafaqada xafiiska madaxweynaha xildhibaan C/raxmaan Maxamed Sheekh (Cabdiraxmaan Dheere) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in la isbitaalkii diida inuu daweeyo la xiri doono, ayna arrintaas la kaashan doonaan wasaaradda caafimaadka.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in 8,000 oo qof ay qabaan cudurka Soomaaliya oo dhan, marka la eego Muqdishana dadka ku nool ee la ogyahay ay gaarayaan 1600 oo qof. Waxa uuna agaasinka caafimaadka ee gobolka Banadir uu sheegay inuu ka shaqeyn doono in cirbaddan casriga la keeno dalka, maadaama ay la mid tahay arrin wanaagsan oo soo korortay.